Shiikha Xabsiga Ku xidhan Shiikh Mubaarig Diiriye oo ay la soo direystay Xaalad Caafimaad daro ka dib markii uu ka jabay adin, mudo laba todobaad ka hor wax dhakhtarana aan la gayn ayuu wuxuu halis u yahay in uu naafoobo ama dhibaato caafimaad ka dhalato adinkan dhaawac may ee aan la tusin wax dhakhaatiira.
Shiikh Mubaarig Diiriye oo loo taxaabay xabsiga 14 afar iyo toban bilood ka hor isagoo ku jira hawlo ganacsi, oo uu xoolo kaga soo iibsanayey gobalka Sanaag, lagana qabtay Degmada Ceel Afweyn, ayaa ilaa hada aan la soo taagin wax Maxkada laguna soo oogin danbiga loo haysto shiikha ee xoriyadiisa looga qaaday muda intaas le,eg.
Todobaadkan waraysi ay BBC siiyeen Dalada Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa sheegay in aanay Sharci ahayn in Shiikh Mubaarik Diiriye iyo Muwaadiniinta kaleba layskaga hayo jeelka iyadoo aan wax danbi ah lagu soo oogin, Maxkamadna aan la soo taagin, sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland iyo Qawaaniinta Caalimiga ah ee Xuquuqul insaanka.
Maamulka Somaliland ka jira ayaa caado ka dhigtay in uu ku xad gudbo xuquuqda muwaadiniinta, xoriyada asaasiga ee qofka, shuruucda Somaliland u taal ee xuquuqda muwaadinka iyo sharciga caalimiga ah xuquuqul insaanka oo damaanad qaadanay xoriyada qofka inuu xaqa uu u leeyahay in haddii uu danbi galo la hor keeno sharciga, arimahaas oo dhamaan ka jirin Somaliland dadkana laysaga hayo jeelasha xitaa haddii ay ku timaado duruufo caafimaad aan loo ogolaan xanaanayn iyo in la daweeyo muwaadinka xoriyadiisii laga qaaday sida Shiikh Mubaarig Diiriye Axmed.
Waxaa kale oo dhacda in Maamulka Somaliland uu qabqabto dad Soomaali ah, isla markaana u gacan geliyo Maamulka Dawlada Ethiopia, taas oo xad gudub ku ah Shareecada Islaamka, Dhaqan Soomaaliyeed, iyo Shuruucda Somaliland oo dhigaysa qofka Somaliland gudaheeda danbi gala lagu xukumo Sharciga iyo Dastuurka Somaliland ee aan loo dhiibin gacan shisheeye.
Hayadaha Sharciga ee gacanta ku haya Kiiska Shiikh Mubaarig Diiriye ayaa ilaa imika aan soo bandhigin wax danbi ah, oo cad oo loo haysto shiikha, taas oo shiikha ka dhigaysa in uu xidhan caqiidada uu aaminsan yahay iyo wacdiga joogtada ee uu ka akhriyi jirey Masaajida iyo Goobaha laysugu yimaado.
Sidaa daraadeed waxaa haboon Maamulka Somalilan in waayo arag ka noqdo dhibaatada loo geysto Muwaadiniinta Somaliland iyo qofka aan danbi lahayn aan loo samayn danbi been abuura taas oo xad gudub ku ah qawaaniinta dalka u yaala, iyadoo talisyo hore oo dhulkan ka jiri jirey dadkana sidaa ula dhaqmi jirey aynu wada garanayno halka ay ku danbeeyeen, dadka iyo dalka waxaa lagu hogaamin karaa Cadaalad Sinaan iyo Garsoor Madax Banaan oo kala cadayn kara qofkii danbiile ah iyo qofkii aan danbi lahayn.
Maxamed Jaamac Ducaale
Hargeysa Somaliland