Booliska Burco oo Qabtay Dollor Xaddi Badan oo Faalso ah
Ciidanka Booliska Burco ayaa habeenkii xalay gacanta ku dhigay lacag faalso ah Dollorka Maraykanka, taasi oo lagu kala iibsaday suuqyada ganacsiga ee Magaalada Burco.
Lacagtan Faalsada ah oo ahayd tii ugu balaadhnayd ee ay ciidamada Booliska qabtaan oo gaadhaysa ilaa $ 7,628 Dollor, oo isugu jirta noodhadhka $100 iyo Halka Dollor, waxay maanta si weyn uga nixisay suuqyada lacagta Burco, taasi oo lagu qabtay Ganacsade u dhashay Puntland.
Taliyaha Qaybta Booliska Burco Axmed Maxamed Guutaale oo maanta warbaahinta uga waramayey lacagtan ayaa waxaa uu cadeeyey in lacagtan laga ogaaday kadib markii dadkii sitay ay u dhiibeen dilaalinta gelisay Suuqyada Sarifka, si ay ugu iibsadaan Badeecado taasina ay ku ogaadeen Ciidamada Booliska.
Taliyaha waxaa uu xusay inay gacanta ku dhigeen shakhsiga lacagtan soo geliyey Magaalada Burco oo la yidhaahdo Maxamed Cali Jacdi oo u dhashay Magaalada Gaalkacayo ee Puntland, ninkaasi oo sida uu sheegay qorshahiisa ahaa inuu kaga bedesho Suuqyada Somaliland badeecado.
Isla markaana ay ninkaasi socoto baadhistiisu, lacagtaasina ay gudbiyeen Baanka Burco.
Maamulaha Baanka Burco Cumar Cabdi Axmed oo aan kale xidhiidhay sifaha lacagtaasi ayaa waxaa uu cadeeyey inay lacagtani tahay midi ugu khatarta badnayd ee la soo geliyo suuqyada Burco.
Maamulaha Baanka waxaa uu xusay in Astaamaha Lacagtan ay ugu muhiimsan tahay Xasowda Caanka ee lacagta oo ay ka maqnayd iyo weliba adayga dheeraada oo ay kaga duwan tahay lacagta caadiga ah, waxaa warkiisa ku sheegay in shayga kaliya ee lagu ogaan karaa ay tahay Makiinadaha hubinta cidii haysta.
“ Waa lacagtii ugu dhoweyd ee lagu khaldami karo, Waayo? Waxaa lacag Cusuboo loo ekeysiiyey lacagta Dollorka” ayuu yidhi.
Maamulaha waxaa uu ugu baaqay Sariflayaasha iyo Xawaaladaha inay muujiyaan feejignaan, kaasi oo xusay inay la xidhiidhaan Xarumaha ugu muhiimsa ee M agaalada Burco ayaa iyaguna hada haya lacagtan oo ku tilmaamay mid naxdin ku ah Suuqyada Somaliland kuwaasi oo ugu baaqay in Baanka Somaliland ay qaadaan talaabo adag.
Todobaadkan gudihiisa calaamadaha lacagtan foojariga ah lagu arkayey Magaalooyinka Boosaaso iyo Kalgacyo ee Puntland.
Reported By: Ibraahim Yusuf Warsame
Ilka Case, Burco
Email: xagaa67@hotmail.com